Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah warbixin uga soo saartay xaalada weeraryahankeeda Roberto Firmino saacado ka hor kulanka ay la ciyaari doonto kooxda Bayern Munich.
Roberto Firmino ayaa xalay wadnaha gooyay taageerayaasha Kooxdiisa kadib markii uu seegay tababarkii ka dambeeyay kulanka caawa kadib Varus sabab u noqday arintaas.
Waxa si weyn looga shakisnaa in uu xiddiga reer Brazil seegi doono kulanka caawa ee ay Liverpool la ciyaari doonto Bayern Munich.
Saxafiga aadka ugu dhaw kooxda Liverpool ee James Pearce ayaa sheegay in uu xiddiga reer Brazil ka gudbay tijaabada saacado ka hor kulankaSidaas darteed Xiddiga ayaa ka qayb qaadan doona kulanka caawa inkasta oo aan la ogayn in uu ku bilaaban doono shaxda Reds iyo in kale.
Warkan ayaa war fiican u ah Reds oo haatanba la dhibaatoonaysa dhaawacyo badan oo dhanka daafaca ah ka hor kulanka Bayern Munich.