Ma Hubtaa Cristaino:- Ronaldo Oo Loo Sheegay In Uuna Ku Guulaysan 5 Champions League Laakiin Ku Guulaystay 3 Kaliya
Xiddiga Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ku digtay taageerayaasha iyo kooxda Atletico Madrid intii lagu jiray garoonka kulankii ay Juventus guuldarada kala kulantay Atletico Madrid.
Waxa la arkay Cristiano Ronaldo oo taageeryaaasha Atletico Madrid u taagaya 5-ta farood ee gacantiisa isaga oo tilmaamay in uu ku guulaystay 5 champions League.
Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay Xilli uu marayay goobta saxaafada Ronaldo ayaa mar kale tilmaamay 5-ta champions League ee uu ku guulaystay iyo waliba “Eber” “0” oo uu ku tilmaamayay in ayna Atletico Madrid waxba ku guulaysan champions League.
“Waxa aan ku guulaystay 5 champions League Atletico waxba kumay guulaysan”ayuu sii raaciyay.
Laakiin Madaxweynaha Atletico Madrid ee Enrique Cerezo ayaa u jawaabay Ronaldo waxana uu sheegay in uu kaliya 3 champions League Ku Guulaystay.
Waraysi uu siiyay Idaacada reer Italy ee Radio CRC ayuu Cerezo u sharaxay” Aniga ahaan Ronaldo kuma guulaysan 5 champions League, waxa uu ku guulaystay 3 koob, labadii final ee Atletico Madrid Isagu Kumuu Guulaysan, Yaa Ku Guulaystay? waxa aan kaga jawaabi doonaa waraysiga xiga”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.