Kooxda Man City ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Newport County kulan ka tirsanaa wareega 5-aad ee tartanka FA Cup-ka.
Man City ayaa ku soo gashay shax adag kuna jiraan xiddigaha aan sida joogtada ah ugu ciyaarin kooxda 1-aad
Wiilasha Pep Guardiola ayaa iska caabin weyn kala kulmay kooxda Newport County kuwaas oo hogaamiyayaasha premier Leageu u baabac dhigay.
Newport County Ayaa Man City ku qasbay in ay bar-baro goolal la,aan ah la gasho iyaga oo waliba dhawr jeer ka dhalin gaadhay gool.
Laakiin Qaybtii dambe ayay Man City si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo raadinayay in ay goolal ka dhaliyaan kooxda.
Daqiiqadii 51-aad ayay Man City heshay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Leroy Sane kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Wixii intaas ka dambeeyay Newport County ayaa si fiican u difaacatay iyaga oo Man City ka hor istaagay in ay goolal kale ka dhaliso.
Laakiin 15-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ciyaarta ayay Man City shiday kooxda Newport County kana dhalisay goolal badan.
Phil Foden ayaa daqiiqadii 75-aad dhaliyay goolka kooxda Man City isaga oo hogaanka u dheereeyay kooxda Man City kana dhigay 2/0.
Kooxda Newport County ayaa daqiiqadii 88-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Padraig Armond kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Laakiin Man City ayaa laba daqiiqo gudohood ku dhalisay 2 gool iyaga oo ay u kala dhaliyeen xiddigaha Phil Foden iyo Riyad Mahrez.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City sidaas ku gaadhay guul 4/1 ah sidaasna isaga xaadirisay wareega 8 dhamaadka FA Cup-ka.

