Man United, Chelsea Mise Juventus? Wariye Duncan Castles Oo Xog Cusub Bixiyay Sheegayna Kooxda Uu Maanka Ku Hayo Tababare Zinadine Zidane.

Duncan Castles oo ah wariye ka faalooda kubadda cagta ayaa noqday shaqsi la falgalay mustaqbalka meelaha badan lala xidhiidhinayo ee tababare Zinadine Zidane oo haatan magaciisa lala xidhiidhiyaya kooxaha kala ah Man United, Chelsea iyo Juventus.
Man United ayaan haatan lahayn tababare rasmi ah, Chelsea ayaa xaalad xun la maraysa tababare Maurizio Sarri halka kooxda Juventus ay wali hammigeedii ahaa hanashada Champions League ka wayday Maxi Allegri.
Wariye Duncan ayaa sheegay in Zidane uu ugu horreynba meesha ka saarayo xiise kasta oo uga imanaya kooxda Chelsea balse uu ka fikiri karo kooxaha Man United iyo Juventus waliba kooxda ree Talyaani ha horraysee.
Wariyahan ayaa sheegay in Blues ay haatan ku jiraan xaalad kala guur ah isla markaana ay ku adkaan doonto inay dhaxlaan macalin kale oo heer sarre ah iyadoo uu sidoo kale xusay in mulkiilaha kooxda ee Roman Abramovich uusan kooxda sidii hore u ahayn.
Duncan Castles ayaa yidhi “Waxaan filayaa halista weyni waa halka ay kooxdu joogto guud ahaan taas oo ah in Roman Abramovich uu isku dayayo inuu iibiyo, Ma xiisaynayo shaqada maalinlaha ah ee kooxda, Lacag sidii hore u badan kuma kharash garaynayo kooxda”
“Waxaan maqlaya magaca Zidane oo si weyn loogu riixayo shaqada, Si dhab ah ayaan shaki uga qabaa in Zidane uu qaban doono shaqadan iyadoo ay ka horreeyaan tusaale ahaan, Manchester United oo lala xidhiidhinayay isaga hubaashii sidoo kale Juventus taas oo aan filayo inuu rajaynayo inay wadahadalo la furaan haddii Allegri uu tago”