Man United Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Juventus U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karaan Paul Pogba


Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in uu Paul Pogba ku biiro kooxda Juventus dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Laakiin Kooxda Man United ayaa dhigeeda Juventus ka dalban doonta lacag iyo waliba xiddiga garabka uga ciyaara Juventus ee Douglas Costa.
Paul Pogba ayaa ka tagay kooxda Juventus kuna laabtay Old Trafford xagaagii 2016 isaga oo noqday xiddiga ugu qaalisan kooxda.
Laakiin waxa uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay dhawaan kadib markii uu aad ugu dhibaatooday kooxda markii uu Jose Mourinho joogay.
Kooxda Juventus ayaan wali ka rajo dhigin saxiixa xiddiga reer France ee koobka adduunka kula guulaystay xulka France.
Man United ayaa dhankeeda lala xiriirinayay xiddiga reer Brazil ee Douglas Costa kaas oo ay doonayso in ay weerarka ku xoojiso.
Sidaas darteed wargayska Tuttosport ayaa saaka sheegaya in ay Man United dalban doonto lacag dhan 54 milyan oo euro iyo waliba xiddiga Douglas Costa.