Waxa ay u muuqataa in xiriirkii ka dhexeeyay weeraryahanka Mauro Icardi iyo maamulka Inter Milan in ay gaadhay dhamaadkeedii.
Kooxaha Inter Milan iyo Juventus ayuu ka dhexeeyaa xafiiltan aad u weyn iyaga oo si weyn ugu tartama dhanka taariikhda Serie A-da.
Mauro Icardi ayaa iska diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda kaas oo uu sanadkii ku qaadan lahaa 8 milyan oo euro waliba in lagu xidho heshiiskiisa lacag lagu bur-burin karo.
Inter Milan ayaa calaamada kabtanimada ka qaaday Mauro Icardi Kadib markii uu xiddiga reer Argentine diiday in uu heshiis cusub u saxiixo.
Wararka ka inaya dalka Italy ayaa haatan sheegaya in uu Mauro Icardi heshiis la gaadhay kooxda Juventus si uu ugu biiro xagaaga.
Wargayska CalcioMercato ayaa sheegaya in uu Icardi Ogolaaday in uu ku biiro kooxda Juventus si uu xagaaga ugu biiro.
25 jirkan ayaa diirada u saaran kooxo badan oo reer yurub ah oo ay ka mid yihiin Juventus, Barcelona, Real Madrid, Man United iyo waliba Chelsea.
