Maxaa Kasoo Cusboonaaday Xaalada Dhaawaca Cristiano Ronaldo? Juventus Oo War Cusub Shaacisay Kahor Kulanka Muhiimka Ah Ee Napoli.

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa mudanaya dhibaato dhaawac xilli ay kooxoodu galayso dhawaan kulan muhiim ah oo ay booqan doonaan kooxda Napoli oo booska labaad kaga jirta miiska kala sarreynta horyaalka.
Cristiano ayuu dhaawacu ku gaadhay kulankii ay dhawaan lasoo ciyaareen kooxda Bologna oo ay 0-1 kaga soo adkaadeen walow uu kulankaas gabi ahaanba dhammaystay.
Ronaldo ayaa shalay oo Arbaca ah qaatay tababarka kooxdiisa inkastoo uusan tababarka buuxa qaadan oo uu tababar khaas ah qaadanayay.
Juventus ayaa website-keeda rasmiga ah ku shaacisay “Baadhitaanada caafimaad ee maanta iyo berri ayaa la mudeeyay kaddib jug kasoo gaadhay canqawga bidix intii lagu gudo jiray kulankii Bologna”
Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkan 24 kulan oo horyaalka ah ugu soo bilawday Juve waxaana uu mudadaas kusoo dhaliyay 19 gool.
Kulanka ay dhawaan booqan doonaan Napoli ayay ka warqabaanin guul ay gaadhaan ay qarka ugu fuuli doonaan hanashada horyaalka markii siddeedaad oo xidhiidh ah iyaga oo haddii ay soo guuleystaan 16 dhibcood oo nadiif ah hoggaanka ku qaban doona.
Kaddib kulanka Napoli, Bianconeri ayaa qaabili doona kooxd Udinesse iyaga oo intaa kaddib soo dhawayn doona kooxda Atletico Madrid kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League oo muhiimad khaas ah uleh.