Miyay Manchester City Awoodaa Inay Xilli Ciyaareedkan U Tartanto Champions League? Tababare Pep Guardiola Oo Jawaab Daacadnimo Leh Bixiyay.
Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa farriin xaqiiqo ah hawada u mariyay xiddigaha kooxdiisa kaddib markii lagu qasbay inay guul soo laabasho ah oo cidhiidhi leh ka gaadhaan kooxda Schalke walow uu sidoo kale ka fal-celiyay awoodooda ah inay kulan adag guul xilli dambe ah gaadhaan.
Tababaraha ree Spain ayay qaybtii hore ee kulanku si gaar ah uga dhigtay mid aan faraxsanayn kaddib markii ay Schalke laba gool kulaad kaga soo kabatay goolkii furitaanka ee Sergio Aguero.
Haddaba, Tababare Pep ayaa qirasho sameeyay isaga oo sheegay in kooxdiisu aysan wali u diyaar ahayn inay u tartanto Champions League maadaama oo ay yihiin kuwo qaladaad samaynaya oo kubaddo sahlan ogolaanaya.Guardiola ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Maxay tahay aragtidaydu? Waxa ay ahayd natiijo cajiib ah balse waxa aanu u hadiyadaynay laba rigoore, Diyaar uma nihin inaan u dagaalano Champions League, Waxaanu u ciyaarnay si wanaagsan laakiin waxaanu bixinay goolal sahlan, Taasi ma dhici karto”
“Waxa uu ahaa mid wanaagsan (Qaab ciyaareedka qaybta dambe), Waxaanu ku ciyaarnay shaqsiyad cajiib ah qaybtii dambe, Sidii kulankii Anfield markii aanu ku guuldaraysanayay 3-0, Ciyaartani wali may dhammaan, Wax aad u badan ayaanu siinay Schalke waxaana ay wali haystaan fursad”
Ugu dambayn, Guardiola oo ka hadlaya qalabka garsoore caawiyaha ah ee VAR ayaa sheegay inuu taageere u yahay qalabkaas isla markaana ay dhammaan sax ahaayeen go’aamadii kulanku marka laga reebo garab dhaaf ciyaarta ka dhacay.
“Anigu taageere weyn ayaan u ahay, Waan taageeraa, Midka hore waxa uu ahaa rigoore midka labaadna sidoo kale laakiin waxa jiray garab dhaaf (Off-side) kaadhka casi waxa uu ahaa cadaalad sidoo kale”
