Miyay Martial Iyo Lingard La Lug Heli Karaan Kulanka Liverpool Ee Axadda Dambe , War Ayaa Laga Helay


Saxaafadda Ingiriiska ayaa qoreysa in Man United ay heshay war wacan oo ku aadan in xiddigaheeda Martial iyo Lingrad ay la lug heli karaan kulanka Liverpool .
Man United ayaa axadda dambe waxa ay ka hor tageysa Liverpool oo ay ku marti gilinayaan kullan ka tirsan wareegga 27-aad ee horyaalka Ingiriiska .
Labadaas laacib ayuu tababaraha United Ole Gunner horay u sheegay in labada laacib ay ka maqnaan doonaan garoomada ugu yaraan sedex todobaad taasi oo micnaheedu ahaan lahaa in ay seegayaan kulamada Liverpool iuo PSG .
Wargeyska Mirror ayaa sheegaya in xaaladda labada laacib ay haatan soo wanaagsanaaneyso ayna tababarka guud ee kooxda ka qeyb galayaan maalmaha soo socda waliba liiska kulanka Liverpool waa ay ku jirayaan .
Martial iyo Lingard ayaa ku dhawaacmay kulankii PSG ee Champion-ka ee ka dhacay garoonka United ee Old Trafford