Miyuu Harry Kane Diyaar U Yahay Kulamada Arsenal Iyo Chelsea Ee Is Xiga? Kane Oo Soo Laabtay & Fursadiisa Kulamada London Derby.
Weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspurs ayaa kusoo laabtay tababarka kooxdiisa waxaana uu farxad weyn galiyay jamaahiirta kooxda ee uu mudooyinkii ugu dambeeyay ka maqnaa.
Kane ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo markii uu dhaawac xilli dambe ahi kusoo gaadhay kulankii Manchester United ay la yeesheen 13-kii bishii January.
Markii hore ayaa la filayay inuu kabtanka xulka England taam ahaanshihiisa dib u heli doono horraanta bisha dambe ee March balse kaddib markii uu soo dhigay sawir uu tababarka la qaadanayo kooxdiisa, Kane ayaa u muuqda mid diyaar u ah inuu dib u matalo Spurs.
Kane oo xilli ciyaareedkan 20 gool soo dhaliyay tartamada oo dhan ayaa si weyn kor ugu qaadi doona kooxdiisa maadaama oo la galay qaybaha muhiimka ah ee xilli ciyaareedka.
Spurs ayaa guulo soo gaadhay dhammaan afartii kulan ee horyaalka ahaa ee uu ka maqnaa waxaana ay qarka u saaran yihiin inay gaadhaan wareega siddeed dhammaadka Champions League kaddib guul 3-0 ah oo ay ka gaadheen Dortmund.
Tottenham ayaan sidoo kale hawl yarayn marka ay noqoto tartanka horyaalka waxaana ay shan dhibcood ka dambeeyaan kooxaha Manchester City iyo Liverpool xilli ay kulamo muhiim ahi fooda kusoo hayaan.
Haddaba, Miyuu Harry taam u yahay kulamada London Derbies ee Arsenal iyo Chelsea ee waliba is xiga? Dabcan calaamad kasta ayaa sheegaysa in uu diyaar u yahay kulamadaas haddiiba uusan kasoo hormarin oo uusan safan kulanka toddobaadkan ay booqan doonaan Burnley.
