Miyuu Maurizio Sarri Wax Qoomamo Ah Ka Qabaa Dhacdadii Foosha Xumayd Ee Ay Garoonka Ku Dhex Martay Isaga Iyo Goolhaye Kepa? Tababaraha Ree Talyaani Oo Jawaab Bixiyay.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa ka hadlay haddii uu wax qoomamo ah ka qabo dhacdadii foosha xumayd ee isfaham waa ee gegida Wembley Stadium ku dhex martay isaga iyo goolhaya
Goolhaye Kepa ayaa tiraba laba jeer dhulka fadhiistay isaga oo u baahday daawayn laakiin markii uu Sarri go’aan qaatay isla markaana uu doonayo inuu kusoo badalo Willy Caballero si uu ugu yaraan gool kulaadyada u ciyaaro ayuu goolhayaha ree Spain diiday inuu soo baxo.
Sarri ayaa kaddib dhacdadaas sameeyay dareen waali ah isaga oo si weyn u cadhooday qarkana u fuulay inuu gabi ahaanba ka baxo garoonka walow uu ugu dambayn soo laabtay keydkana sii fadhiyay ilaa dhammaadka ciyaarta.
Haddaa, Sarri oo wax laga weydiiyay haddii uu qoomamo ka qabo hab dhaqan xumadii ku kala qabsatay kulankaas isaga iyo xiddigiisa ayaa sheegay inuusan wax qoomamo ah qabin balse uu is faham waa dhacay isaga oo doonayay inuu rigoorayasha ku ciyaaro goolhaye dhibaato dhaawac qaba.
60 jirkan ayaa yidhi “Maya (Qoomamo ma qabo) Sabab laakiin? Sababtoo ah waxaan u baahday hal daqiiqo si aan maskaxdayda usoo celiyo, Sidaasaan filayaa”
“Xaqiiqdii waan cadhaystaan wakhtigaas waxaanan u baahday inaan kusoo laabto degenaanta iyo xakamaynta maskaxdayda, Waxay ahayd is faham waa weyn, Anigu ma doonayn inaan rigoorayaasha la aado goolhaye…”
“Waxaan filayaa inaan kaliya qaatay 40, 45 il-bidhiqsi, Waxaan la hadlay ciyaartoyda wakhti aad u kooban sababtoo ah waxay ahayd kaliya inaan bilawno rigoorayasha sidaa darteed waxay ahayd inaan shan magac sheego oo aanan ka doodin taatikada”
“Markii kulanka bilaabmay mar labaad waxaan joogay keydka, Goolhayuhu maaha dhibaatada, Waxa uu sameeyay qalad weyn laakiin xaqiiqdii waa wiil aad u fiican waxa jira kaliya hal wax oo adag, Waa natiijooyinka”