Muxuu Cristiano Ronaldo Ka Aamisan Yahay Baacsiga Ay Juventus Ugu Jirto Saxiixa Mohamed Salah

Xiddiga Ugu muhiimsan kooxda Juventus ee Cristaino Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu Juventus ogolaansho u siiyay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah wax walba oo ay ku qaadato sida ay sheegayaan wararku.
Salah ayaa diirada u fuulay kooxda Juventus wakhtigii ugu dambeeyay iyaga oo isku diyaarinaya in ay baanka u jabiyaan marka la gaadho xagaaga.
Juventus ayaa haatanba dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Aaron Ramsey kaas oo si xor ah ugu biiri doono kooxda dhamaadka xili ciyaareedkan laakiin waxa ay sii wadi doonaan xoojinta kooxda.
Wararka ka imanaya Italy ayaa sheegaya in uu Cristaino Ronaldo gacmo furan ku soo dhawayn doono xiddiga reer Masar hadii ay kooxdu u dhaqaaqdo.
Cristiano Ronaldo ayaa aaminsan in uu Mohamed Salah kooxda Juventus ka caawin karo in ay noqoto kooxda ugu awooda badan yurub sanadaha soo socda.
Salah ayaa 17 gool dhaliyay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana uu ku jiraa qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu Reds ku soo biiray.