Pep Guardiola Oo Si La Yaab Leh U Qirtay In Uu Ka Shalaynayo In Ay Man City 6/0 Uga Badisay Chelsea, Sabab



Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa si la yaab leh u qirtay in uu ka shalaynayo in ay kooxdiisa Man City guusha weyn ka gaadho Chelsea kulan ka tirsanaa premier league.
Man City ayaa guul weyn oo 6/0 ah ka gaadhay kooxda Chelsea kulan ka dhacay Etihad kana tirsanaa horyaalka premier League.
Laakiin labada kooxood ayaa mar kale ku kulmi doona Finalka Carabao cup-ka Axada kulan ka dhici doona garoonka Wembley.
Guardiola oo ka hadlaya shirkii ka horeeyay kulankaas ayaa yidhi”Wakhtigaas waxa aan aad ugu faraxsanaa natiijada 6/0 ah laakiin haatan waxa aan rajaynayaa in uu kulankaas bar-baro ku dhamaan lahaa”.
“Tababaraha iyo waliba xiddigaha chelsea waxa ay kulanka Axada u soo gali doonaan sidii ay nooga badin lahaayeen”.
Labada Kooxood ayaa isaga hor iman doona finalka Carabao cup-ka waxana ay koox walba isha ku haysaa in ay koobkii ugu horeeyay ku guulasato xilli ciyaareedkan