PSG Oo Ku Dhaw In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Marco Verratti & Faah-Faahinta Heshiiska Oo La Ogaaday


Kooxda PSG ayaa si aad ah ugu dhaw in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Marco Verratti sida ay sheegayaan wararku.
Wararka ka imanaya Dalka France ayaa sheegaya in uu Marco Verratti ogolaaday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG.
Marco Verratti ayaa kooxda PSG ku biiray xagaagii 2012 isaga oo kaga biiray kooxda Pescara markaas oo ay ka ciyaaraysay horyaalka Serie A-da.
Xagaagii 2016 kooxda Barcelona ayaa wax walba u samaysay sidii ay u heli lahayd xiddiga laakiin PSG ayaa ugu dambayn ka saxiixatay heshiis ilaa 2021 ah.
Shabakada Paris United ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Italy ee 26 jirka ah qalinka ku duugi doono heshiis ilaa xagaaga 2024 ah isaga oo sanadkii ku qaadan doona 10 milyan oo mushahar ah.
Wararka ayaa sheegaya in uuna Varratti wax xiiso ah u qabin in uu ka tago kooxda PSG Waliba ku rajo weyn in uu kula guulaysto champions League