QIIRO: Neymar Jr Oo Qiirooday, Ilmadana Xejisan Kari Waayay Markii Wax Laga Waydiiyay Lionel Messi Iyo Qaabkii Uu Dareenkiisa U Xakamayn Kari Waayay.

Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda PSG ee Neymar Jr ayaa dareen caadifad badan leh ku cabiray markii wax laga waydiiyay Lionel Messi wuxuuna muujiyay ixtiraamka iyo qadarinta uu xidiga reer Argentina ugu hayo qaabkii layaabka lahayd ee uu ugu soo dhaweeyay Camp Nou markii uu ka soo wareegay kooxda Santos ee sanadkii 2013 kii.
Neymar Jr ayaa ilmeeyay isla markaana qiirooday markii uu dib u xusuustay caawintii iyo taageeradii waynayd ee uu Lionel Messi kaga helay Barcelona markii uu 21 sano jirka ahaa ee uu Santos ka soo wareegay sanadkii 2013 kii wuxuuna muujiyay sida aanu Lionel Messi marnaba u ilaawi karin.
Waraysi uu Neymar Jr siiyay Esporte Espetacular oo dalkiisa Brazil laga leeyahay ayuu kaga hadlay wixii uu Lionel Messi kala kulmay waqtigii uu ku cusbaa kooxda Barcelona. Waraysiga uu Neymar Jr bixiyay ayaan wali si buuxda loo baahin waxaana March 2, laga baahin doonaa GloboTV balse xogta ayaa qayb ka mid ah la sii bixiyay.
Neymar Jr oo si qiiro leh uga jawaabaya markii Lionel Messi wax laga waydiiyay ayaa sheegay in aanu xaqiiqdii ka hadli karin Messi wuxuuna yidhi: “Daacad ahaantii way adag tahay, aniga aad ayay iigu adag tahay in aan ka hadlo wax Messi ku saabsan, sababtoo ah aad ayay aniga khaas iigu ahayd markii aan Barcelona joogay, tan qof kastaba waan u sheegaa”.
Intaa kadib Neymar Jr oo qiiraysan isla markaana dareenkiisa xakamayn kari waayay ayaa ka hadlay abaalka aanu ilaawi karin ee uu Messi u hayo wuxuuna yidhi: “Markii aan caawinta ugu badan u baahnaa, ciyaartoygii kooxda ee ah ciyaartoyga aduunka ugu fiican ayaa ii yimid wuxuuna siiyay gacan, waxa uu yidhi: ‘Halkan kaalay, anigu waxaan halkan u joogaa in aan ku caawiyo’ ”
Intaa kadib Neymar Jr ayaa sharaxaad ka bixiyay taladii ugu horaysay ee uu Lionel Messi ka helay markii uu Santos ka soo wareegay wuxuuna yidhi: “Ha xishoon, hana ka cabsanin aniga ama qof kasta oo kooxda ah”.
Neymar Jr ayaa muddadii uu Camp Nou ku soo qaatay waxa uu Barcelona u soo dhaliyay 105 gool kadib markii uu saftay 186 kulan wuxuuna ka mid ahaa kooxdii Barca ee saddexda koob ee La Liga, Champions league iyo Copa Del Rey ku soo wada guulaysatay sanadkii 2015 kii.