Qiyaas Wixii Dhaci Lahaa Haddii Aan Sidii Diego Simeone Xiniinyaha Ku Dabaal Degi Lahaa- Mourinho Oo Muujiyay In Isaga Si Gaar Ah Loola Dhaqmo.





Tababarihii hore ee Manchester United ee Jose Mourinho ayaa ka dareen celiyay dabaal degii muranka badan dhaliyay ee uu macalinka Atletico Madrid ka sameeyay guushii kulankii Juventus ee Champions league markaas oo uu xiniinyahay qabsaday isla markaana uu kadib kulankii UCl sheegay in ay xiniinyo wayn leeyihiin.
Diego Simeone ayaa dacwad loogu soo oogay dhacadii kulankii Juventus waxayna UEFA hadda wadaa in ganaax lagu soo rogo laakiin Jose Mourinho ayaa su’aal galiyay waxa dhici lahaa haddii uu maanta ku jiri lahaa booska Diego Simeone oo uu samayn lahaa wixii uu sameeyay.
Jose Mourinho ayaa sidoo kale su’aal galiyay wixii isaga lagu samayn lahaa haddii uu samayn lahaa wixii uu tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino uu ku sameeyay garsoore Mike Dean kaas oo uu dagaal afka ah si toos ah ula galay kadib guuldaradii kulankii Burnley.
Mauricio Pochettino laftiisa ayaa isna dawcad looga soo oogay xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska iyada oo la filayo in uu ganaax mutaysan doono laakiin Mourinho ayaa wariyihii su’aalaha waydiinayay waxa uu ku celiyay haddii uu qiyaasan karo wixii dhici lahaa hadii uu joogi lahaa booska Pochettino.
Jose Mourinho oo ka hadlaya dabaal degii waalida ahaa ee uu Diego Simeone sameeyay kulankii Juventus ee uu xiniinyaha qabsaday ayaa yidhi: “Miyaad qiysaan kartaa aniga oo samaynaya wixii uu Simeone sameeyay? Miyaad qiyaasi kartaa? Miyaad qiyaasi kartaa? Laakiin anigu waan ku faraxsanahay in isagu (Simeone) uu sidaas jecel yahay”.
Jose Mourinho oo markale ka hadlaya falkii uu sameeyay Pochettino ayaa yidhi: “Miyaad adigu qiyaasi kartaa aniga oo samaynaya wixii uu Pochettino sameeyay? Qiyaas caawiqbka ay yeelan lahayd”.
Jose Mourinho ayaa markii wax laga waydiiyay in isaga si gaar ah loola dhaqmo iyo sababta aas keentay ayaa yidhi: “Haa. Ma garanayo sababta”.