
Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay tababaraha kooxda 1-aad ee Ernesto Valverde sida ay haatan ku xaqiijisay bogeeda Internet-ka.
Barcelona ayaa xaqiijisay in uu tababareheeda Ernesto Valverde ogolaaday in uu kooxda u saxiixo heshiis cusub oo hal sano ah oo uu kooxda ku sii joogo doono ilaa 2019/2020 iyo hal sano oo dookh ah oo 2020/2021.
Tababaraha ayaa heshiiska Si Rasmi ah u saxiixi doona maanta oo jimce ah isaga oo uu wehelin doono madaxweynaha kooxda.
Heshiiskan Cusub ayaa meesha ka saari doona shakigii weynaa ee ku jiray mustaqbalka tababaraha kaas oo uu heshiiskiisa haatan dhici doono dhamadka xilli ciyaareedkan.
Valverde ayaa kooxda la qaatay wakhti fiican intii uu joogay isaga oo kula guulaystay Horyaalka, Copa del Rey-ga & Spanish Super Cup.