RASMI: Franck Ribery & Jerome Boateng Oo Ka Maqan Liiska Xiddigaha Bayern Munich Ee U Soo Duulay Liverpool


 

Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Niko Kovač ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Liverpool kulan ka tirsan champions league.
Liiska ayuu ka maqan yahay daafaca kooxda ee Jerome Boateng kaas oo seegi doona kulanka halka uu Franck Ribery si gaar ah ugu safri doono Liverpool.
Sababta uu Franck Ribery uga hadhay kooxda markii hore ayaa ah in uu noqday aabe halka Boateng uu dareemayo xanuun caloosha ah.
Inkasta oo uu dhaawac soo gaadhay jimcihii hadana xiddiga Kingsley Coman ayaa ka mid ah Liiska tababaruhu u soo xushay kulanka Liverpool.
Dhanka kale tababaraha ayaa soo xushay dhamaan xiddigaha kooxdisa ugu muhiimsan isaga oo haysta liis uu ka soo xulan karo shax adag.
Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska Xiddigaha Bayern Munich ee kulanka Liverpool: