RASMI: Man City Oo Xaqiijisay In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Aymeric Laporte


Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Aymeric Laporte.
Aymeric Laporte ayaa ogolaaday in uu laba sano oo kale ku daro heshiiskiisa haatan ee Man City isaga oo Etihad sii joogo doona ilaa xagaaga 2025.
Laporte ayaa Man City kaga soo biiray kooxda Atletic Bilbao sanadkii 2018 gaar ahaan suuqii January isaga oo qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah.
Man City ayaa si weyn ugu faraxday horumarka xiddiga reer France kaas oo ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxdaLaporte oo 24 jir ah ayaa kulanka Axda ee finalka Carabao cup safan doona kulankiisii 37-aad ee kooxda Man City waxana ay City go,aansatay in ay heshiis cusub ka saxiixato.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan mustaqbalkayga u hibeeyay Man City”ayuu yidhi daafacu.
“Tan ilaa markii aan halkan imid waxa si aad ah la iigu soo dhaweeyay kooxda iyada oo Pep iyo xiddigaha kooxdu iga dhigeen mid muhiim ah”.
“Kooxdu waxa ay ii soo bandhigtay wax walba oo aan horumar ku samayn karo waxana aan doonayaa in aan sii joogo kooxda muddo dheer”