Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Girona kulan ka tirsan horyaalka La Liga.
Kooxda Real Madrid ayaa Santigao Bernabue ku marti galin doonta kooxda Girona kulan ka tirsan horyaalka La Liga.
Liiska ayaa lagu arkay soo laabashada goolhayaha da,yarka ah ee Luca Zidane oo ah goolhayaha 3-aad ee kooxda Real Madrid.
Laakiin waxa Liiska ka maqan xiddiga khadka dhexe ee Luca Modric kaas oo kulanka ku seegi doona ganaax kadib 5 kaadh oo digniin ah oo uu qaatay.
Si la mid ah waxa Liiska ka maqan xiddigaha Isco iyo Marcos Llorente kuwaas oo dhaawac ku seegi dkoona kulanka.
Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska oo dhamayastiran:

