RASMI: Santiago Solari Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Kooxdiisa U Matalaya Kulanka El-Classico & Xiddig Markale Iska Dhex Waayay.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xiddigaha kooxdiisa Real Madrid u matalaya kulanka muhiimada khaaska ah u leh xilli ciyaareedkooda ee El-Classico oo ay caawa soo dhawayn doonaan Barcelona.
Liiskan ayuu markale gabi ahaanba iska dhex waayay xiddiga khadka dhexe ee Isco Alarcon kaas oo sii wada dhibaatooyinka uu marayo tan iyo magacaabistii Solari oo sida uu garoonka kusoo galaa ay noqotay wax aad u adag.
Isco ayaa kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisa dhaawacyo ku maqnaa balse toddobaad kahor ayay ahayd markii kooxda caafimaadka ee Madrid ay ogolaansho siiyeen una sheegeen inuu taam yahay isaga oo tababaradii ugu dambeeyay qaadanayay.
Xiddigaha kale ee wax la qabay Isco isla markaana aan loosoo xulan liiska kulanka caawa ayaa ah da’yarta Mariano, Brahim iyo Jesus Vallejo.
Liiskan ayay kasoo muuqdeen Keylor Navas iyo Marcelo oo la filayo inay kulanka kusoo bilawdaan kaddib markii ay lumiyeen booskooda kulamada Champions League iyo horyaalka.
Waxa sidoo kale liiska kusoo baxay Gareth Bale oo kulankii ugu dambeeyay soo sameeyay fal aan la jeclaysan isla markaana diiday inuu la farxo xiddigaha kooxdiisa kaddib gool uu ka dhaliyay Levante.
Halkan Kaga Boggo Liiska Xiddigaha Uu Solari Xushay Oo Dhammaystiran:
