RASMI: UEFA Oo Dacwad Ku Soo Oogtay Sergio Ramos, Waqtiga Go’aan Laga Gaadhayo Kiiskiisa Iyo Laba Xidig Oo Ay Isku Mid Yihiin Oo Go’aan Lagu Riday.


Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa ku qancay in dhacdadii Sergio Ramos uu kaadhka digniinta ah sida badheedhka ah ugu qaatay kulankii Ajax ee Champions league si uu kulanka Bernabeu u seego isla markaana aanu ganaax ku maqnaan kulamada heerarka dhamaadka Champions league.
UEFA ayaa baadhitaan dheer kadib waxay xaqiijisteen in Ramos uu si ula kac ah u qaatay kaadhkii digniinta ahaa ee kulankii Ajax taas oo sharciga UEFA mamnuuc ka ah waxaana lagu soo oogay dacwad ka dhan ah taas oo uu laba kulan oo ganaax ah ku mutaysan doono.Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa haddaba min laba kulan oo ganaax ah gadhka u galiyay Geoffrey Kondogbia iyo Jesus Corona oo kaadhadh digniin ah si badheedh ah u qaatay si ayna u seegin wareegyada muhiimka ah ee Europa league laakiin hadda Sergio Ramos ayaa isna lagu soo rogi doonaa laba kulan oo ganaax ah.
Sergio Ramos ayaa inta ugu badan sabab iskugu ahaa in UEFA ay baadhitaan ku bilawday kadib markii uu si lama filaan ah saxaafada uga hor sheegay in uu qaladka kaadhka digniinta ah si ula kac ah u sameeyay si uu u nasto kulanka Ajax ee Bernabeu.
Laakiin markii uu Sergio Ramos arkay saamaynta uu hadalkiisu yeeshay iyo sida ay xaafada aduunku uga hadleen waxa uu bixiyay waraysi uu siiyay Marca kaas oo uu isku dayay in uu sharaxaad ka yara duwan sidii hore uu sameeyo wuxuuna markale beeniyay in uu si badheedh ah kaadhka digniinta ah u qaatay.
Laakiin UEFA ayaa haddaba ku qanacday baadhitaankii ay sameeyeen waxayna Ramos ku soo dacweeyeen kiis la mid ah kuwa labada kulan loogu ganaaxay Geoffrey Kondogbia iyo Jesus Corona, waxayna hadda Real Madrid iyo Ramos ogyihiin in ay go’aanka UEFA uu yahay mid cadaan ah.
Sergio Ramos oo marka horeba seegi lahaa kulanka Ajax maadaama oo uu kaadhkii digniinta ahaa qaatay kulankii lugtii hore, waxa uu sidoo kale seegi doonaa kulanka lugta hore ee siddeed dhamaadka Champions league haddii ay kooxdiisa Real Madrid soo gudubto.
UEFA ayaa go’aanka Sergio Ramos si rasmi ah u shaacin doonta maalinta barri ah khamiista February 28 markaas oo sida la filayo in uu Ramos ogaan doono in laba kulan oo ganaax ah lagu riday inkasta oo ay Madrid isku dayi doonto in ay rafcaan qaataan.