Real Madrid Oo Chelsea & Man United U Sheegtay In Ay Diyaar U Tahay In Ay Ka Iibiso Gareth Bale Laakiin Ku Xidhay Hal Shardi.


Wararka ka imanaya Spain ayaa shaaca ka qaaday go,aanka kama dambaysta ah ee maamulka Real Madrid ee ku aadan xiddiga garabka ka ciyaara ee Gareth Bale.
Tv-ga Tele Madrid ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Wales isaga tagi doono Real Madrid xagaaga kadib markii ay Maamulka Real Madrid go,aansadeen in ay dhagaystaan dalabyada u imanaya xiddiga.
Los Blancos ayaa madaxa xiddiga dul dhigtay 120 milyan oo euro hadii ay fasaxayso xiddiga reer Wales marka la gaadho suuqz xagaaga.
Tv-ga ayaa sheegay in iibinta Bale ay Real Madrid ku adkaan doonto sabab la xidhiidha dhaawacyada xiriirka ah ee xiddiga soo gaadhay wakhtigii ugu dambeeyayMaamulka Real Madrid ayaa khaati ka taagan dhaawacyada xiddiga kaas oo sabab u noqday in uu hoos u dhoco qaab ciyaareedkiisa.
Waxa la filayay in uu Gareth Bale noqdo hogaamiyaha weerarka ee Real Madrid kadib bixitaankii Cristiano Ronaldo laakiin dhaawacyo soo gaadhay kadib xiddiga ayaan xitaa si joogto ah ugu ciyaarin.
Kooxaha Chelsea iyo Man United ayaa ah kooxaha xiisaha wakhtiga dheer ah u haya xiddiga reer Wales kuwaas shaki la,aan isku dayi doona in ay u dhaqaaqaan adeegiisa.