Real Madrid Oo Laga Diiday Racfaan Ay Ka Qaadatay Kaadhkii Digniinta Ahaa Ee Sergio Ramos Loo Taagay Copa Del Rey-ga & Xiddiga Oo Seegi Kara Finalka Tartanka


Kabtanka Kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa qaatay kaadhka digniinta ah lugtii 1-aad ee Semi-final-ka Copa del Rey ay Real Madrid Bar-Baraha La Gashay Barcelona.
Kooxda Real Madrid ayaana ku fashilantay in ay racfaan ka qaadato kaadhkaas kadib markii xiriirka Spain ka diiday Racfaanka.
Hadii uu Sergio Ramos  qaato kaadh kale oo digniin ah lugta 2-aad ee tartanka ka dhici doona garoonka Santiago Bernabue xiddiga ayaa seegi doona finalka tartanka hadii ay Real Madrid gaadho.
Waxa intaas sii dheer in uu Ramos ganaax ku seegi doono kulanka lugta 2-aad ee Wareega 16-ka tartanka champions LeagueSi la mid ah waxa uu ganaax ku seegi doonaa kulanka todobaadka dambe ee ay la ciyaari doonto kooxda Levante kulan ka tirsan horyaalka La Liga.