Real Oo Albaabada Ka Xiratay Inter Milan , Modric Ayay La Meel Dhigeen Hishiis Cusub.

                                                                                               
   Kooxda Real Madrid ayaa hishiis uu qandaraaska ku kordhinayo waxa ay la gaareen qadkooda dhexe ee Luke Modric sida laga soo xigtay wargeyska Marca ee Spain ka soo baxa .
Xidigaas sanadkii 2018-da ku guuleystay abaal marinta kubadda dahabka ayaa hishiiskiisa haatan ee Real waxa uu gaaraya illaa 30-ka June ee sanadka 2020-ka
Laacibkaas ayaa haatan lagu waramay in uu ogaaladay in Real ugu kordhiyo hal sano dheeraad ah waxa uuna sanadkii qaadanayaa haatan mushaar dhan 10 milyan oo euro
Inter ayaa kala wareeggii January waxaad aad u dooneysay kooxda Inter Milan balse laacibka ayaa go`aansaday in uusan ka dhaqaaqin Real .
Modric ayaa lagu tirayaa xiddigaha asaasiga ka ah shaxda Real waxa uuna xilli ciyaareedkaan saftay 33 kullan dhamaan tartamada waxa uuna dhaliyay sedex gool halka 6 kalana uu ka qeyb qaatay