REKOODH: Ole Gunnar Solskjaer Oo Sii Wada Inuu Magaciisa Ku Qoro Horyaalka Premier League & Rekoodh Cusub Oo Uu Kala Baxay Kulankii Liverpool.
Tababaraha sida kumeel gaadhka ah u haya xilka tababarenimo ee kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa halkiisa kasii wata inuu rekoodho ku diiwaan gashado horyaalka Premier League isaga oo rekoodh kala baxay kulankii ay shalay la yeesheen Liverpool.
Man United ayaa awoodi wayday inay saddexda dhibcood ka hesho Liverpool walow ay afar dhaawac si xoogan u saameeyeen hab ciyaareedkooga qaybtii horeba.
In kulanku uu kusoo dhammaaday bar-bardhac ayaa guul u ahayd kooxda Arsenal oo iyadu dhinaceeda ka adkaatay Southampton isla markaana haatan hal dhibic booska kaalinta afraad kaga haysa Red DevilsRekoodhka uu kulankan ka diiwaan gashaday tababare Solskjaer ayaa ah inuu noqday tababaraha dhibcaha ugu badan ka helay Premier League tobankiisa kulan ee ugu horreeya kaddib markii uu 26 dhibcood ka keenay 30 dhibcood.
Tobbankaas kulan ayuu tababaraha ree Norway laba kulan bar-bardhac soo galay isagoo kulan ahaa kulankii shalay halka kulanka hore ay isla Old Trafford bar-bardhac min laba gool ah la galeen Burnley.
Solskjaer ayaa tan iyo imaatinkiisa Old Trafford Man United kasoo qaaday murugadii ka dhex jirtay isaga oo jamaahiir badan ka dhigay kuwo markale aamina kooxooda.
Sidoo kale 45 jirkan ayaa mudada uu sida KMG ah usoo hayay xilka kasbaday kalsoonida taageerayasha, Halyeeyada iyo dhammaan shaqsiyaadka xidhiidhka la leh Old Trafford kuwaas oo dalbanaya in shaqada si buuxda gacanta loogu geliyo.