Saadaasha Khabiir Paul Merson Ee Kulamada Premier League Toddobaadkiisa 28-aad, Koox Weyn Oo Uu Guul Uga Dhaartay & Waxa Uu Ku Saadaaliyay Chelsea v Tottenham.

Khabiirka kubadda cagta England gaar ahaan kanaalka Sky Sports ee Paul Merson ayaa sidii caadada ahayd dhiibtay saadaashiisa toddobaadlaha ah ee horyaalka Premier League oo uu toddobaadkan natiijooyinbadan oo yaab leh banaanka soo dhigay.
Merson oo dhammaan saadaaliyay kulamada 10-ka ah ayay saadaashiisa kamid ahaayeen kulamada Liverpool v Watford, Man City v Westham United & Waliba kulanka London Derby ee Chelsea v Tottenham.
Aan ku daah furanee ugu horreynba Paul Merson oo saadaalinaya kulanka dhex mari doona kooxdiisii hore ee Arsenal iyo Bournemouth ayaa guul u rajeeyay Gunners taas oo la micno ah in haday ka dhabeeyaan ay booskooda afraad sii xejisan doonaan.
Si lamid ah Arsenal khabiir Merson waxa uu guul u rajeeyay Liverpool oo soo dhawayn doonta kooxda Watford waxaana uu filayaa inay sii haysan doonaan hoggaanka walow uu goolal badan iyo shabaq nadiif ahba u diiday.
Merson ayaa diiday inuu Manchester City ka reebo loolanka horyaalka ee ay kula jirto Liverpool waxaana uu u rajeeyay inay si sahlan kaga takhalusaan Westham United oo kusoo booqan doonta Etihad Stadium.
Saadaasha fajaca ah ee uu Merson dhiibtay ayaa ah inuu xataa bar-baro u diiday Man United isla markaana uu u saadaaliyay inay guuldarro kala soo laaban doonaan kooxda wacdaraha dhigaysa ee Crystal Palace oo ay Selhurst Park ku booqanayaan waana natiijo haddii ay rumawdo hammigooda booska afraad dilaysa.
Ugu dambayn, Khabiirka Sky ayaa arka in dhibcaha lagu qaybsan doono Stamford Bridge kulanka xasaasiga ah ee dhex mari doona Chelsea iyo Tottenham oo labaduba toddobaad adag soo qaatay.
Halkan Kaga Boggo Saadaasha Paul Merson Ee 10-ka Kulan Ee Caawa & Dambe Ee PL
Cardiff City 1-2 Everton
Leicester 2 City-1 Brighton
Arsenal 3-1 Bournemouth
Huddersfield 0-2 Wolves
Newcastle United 2-1 Burnley
Southampton 1-0 Fulham
Chelsea 2-2 Tottenham
Liverpool 2-1 Watford
Manchester City 3-0 Westham United
Crystal Palace 1-2 Manchester United