Sababta Dhabta Ah Ee Uu Aaron Ramsey Uga Tagay Arsenal Uguna Biiray Juventus Oo La Ogaaday, Mana Ahan Lacag.
Halyeeyga reer Wales ee Ian Rush ayaa shaaca ka qaaday sababta dhabta ah ee uu xiddiga khadka dhexe ee Aaron Ramsey uga tagay Arsenal una doortay in uu ku biiro kooxda Juventus.
Ian Rush ayaa sheegay in uu Aaron Ramsey si aad ah u doonayay in uu isaga tago Arsenal kuna biiro Jiventus si uu ugu guulaysto koobab laakiin ayna muhiimadiisa 1-aad ahayn lacagta.
28 jirka reer Wales ayaa Gunners ku qaadanaya xilli ciyaareedkiisii 11-aad ee ugu dambeeyay waxana uu dhamaadka xilli ciyaareedkan si xor ah ugu biiri doonaa Juventus.
Ramsey ayaa Juventus qalinka ugu duugay heshiis 4 sano ah isaga oo la joogi doona kooxda ilaa xgaaga 2023 isaga oo todobaadkii mushahar u qaadan doona lacag dhan 400 kun oo Ginin isaga oo noqday xiddiga reer British ee ugu mushaharka badan yurub.
Si kasta ha ahaatee Rush ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in ay lacagtu door ka qaadatay in uu Ramsey ku biiro kooxda Juventus.
Waa xiddig cajiib ah, waa qof aad u fiican marka uu ka baxsan yahay, Juventus waxa ay xiddigeheeda ku doorataa sida ay u dhaqmaan garoonka dibadiisa waana shaqsi fiican”ayuu Rash u sheegay Calciomercato.Muxuu Ugu Biiray Juventus?
waan la hadlay todobaadyo yar ka hor inta uuna ku biirin Juventus waxana uu ii sheegay in uu Juventus ugu biiray si uu koobab ugu guulaysto waliba tahay kooxda kaliya ee uu rumasan yahay in ay koobab ku guulaysan karto”.
