Saddex Arimood Oo Ay Sameeyeen Xiddigaha Man United Kulankii PSG Oo Ka Xanaajisay Solskjaer.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa in uu canaantay xiddigaha Man United kadib guuldaradii ka soo gaadhay kooxda PSG.
Tababaraha reer Norway ayaa qirtay in ay kooxdiisa garaacday koox ka fiican kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee ka soo gaadhay PSG.
Laakiin wargayska SunSport ayaa sheegaya in uu tababaruhu dareemay in ay man United sameeyeen wixii ay PSG doonaysay taas oo keentay in laga dhaliyo 2-da gool.
Waxa uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee ay Man United guuldaro la kulantay tan ilaa markii uu Ole Gunnar Solskjaer shaqada ka badalay Jose Mourinho.
PSG ayaa hogaanka u qabatay kulanka iyaga oo uu goolka u dhaliyay daafaca Presnel Kimpembe kaas oo gool u badalay koorne uu Angel Di Maria karoosay.
Tababare Solskjaer ayaa la sheegayaa in uu xiddigaha kooxdiisa u sheegay in ay iska ilaaliyaan in gool looga dhaliyo kubadaha koornayaasha.
Man United ayaa weerar u qaaday si ay u dhaliyaan goolka bar-baraha laakiin Mbappe ayaa goolka 2-aad ka dhaliyay kadib weerar rogaal celis ah oo ay qaaday PSG.
Tababaraha ku meel gaadhka ah ayaa La sheegayaa in uu xiddigaha kooxdiisa u sheegay in ay kubada haystaan oo ayna weerarka ku deg-degin maadama ay kooxda PSG ku fiicantahay weerarka rogaal celiska ah.
Ugu dambayn tababaraha ayaa dareemay in ay xiddigaha kooxdiisu si fudud u qaadanayeen kaadhka digniinta ah taas oo keentay in ugu dambayn kaadhka cas loo raaciyo Pogba.