Sadio Mane Oo Mohamed Salah & Roberto Firmino Ku Garaacay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Bisha Liverpool


Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara Liverpool ee Sadio Mane ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican ee bishii January ee la soo dhaafay.
Mane ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha Mohamed Salah & Roberto Firmino isaga oo sidaas ugu guulaystay abaalmarinta markii ugu horaysay xilli ciyaareedkan.
Xiddiga ayaa ku bilowday 4 kulan oo premier League ah bishii January isaga oo goolal dhaliyay kulamadii Crystal Palace iyo Leicester City.
Xiddiga reer Senegal ayaa sidoo kale qaab ciyaareed cajiib ah ku jira bishan aynu haatan ku jirno isaga oo dhaliyay kulamada Ham United & Bournemouth.
Sadio Mane ayaa markii ugu horaysay ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican ee kooxda Liverpool halka uu sidoo kale yahay xiddigii 5-aad ee abaalmarintan ku guulastay.
Xiddigaha ku guulaystay xiddiga Bisha ee Liverpool:
August: Virgil van Dijk
September: Daniel Sturridge
October: Mohamed Salah
November: Trent Alexander-Arnold
December: Mohamed Salah
January: Sadio Mane