Safiirka Baraha Bulshada: Mesut Ozil Oo Fariin U Diray Xiddigaha & Taageerayaasha Gunners Kadib Guuldradii BATE Borisov
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa u muuqda mid wakhtigii ugu dambeeyay noqday safiirka Arsenal ee baraha bulshada isaga oo saaxiibadii iyo taageerayaasha fariin ugu diray baraha bulshada kadib guuldaradii ka soo gaadhay kooxda BATE Borisov.
Gunners ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda reer Belarus waxana ay ahaan doonaan la,aanta xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo kaadhka cas qaatay.
Ozil ayaa seegay kulanka sabab la xidhiidha xanuun isaga oo kooxda intooda kale kaga hadhay London inkasta oo uu tababarka qaatay todobaadkan.
Ciyaarta kadib Ozil ayaa fariin taageero ah u diray saaxiibadiisa Arsenal isaga oo ku taageeray in ay gooxda reer Belarus garaacaan lugta 2-aad.
Ma ahan natiijadii aan doonaynay, laakiin wali waan samayn karnaa 2-aad waan gaadhi karnaa wareega xiga”ayuu soo dhigay Twitter-ka.
“Aynu ku soo laabano Emirates gaar ahaan taageerayaasheena dartood.
