Santiago Solari Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Cadhadii Uu Gareth Bale Ka Sameeyay Kulankii Levante & Dareenkii Uu Kulanka Kaddib Kusoo Galay Qolka Labiska.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa kaddib kulankii ay guusha kasoo gaadheen kooxda Levante xalay ka hadlay dhacdadii ugu hadal haynta badnayd ee halkaas ka dhacday oo ahayd in Gareth Bale uu gabi ahaanba diiday inuu la farxo xiddigaha kooxda kaddib gool uu dhaliyay.
Kulankii xalay ayuu Bale ahaa midka ay sida gaarka ah u qabteen dareemada shaqsiyaadkii kulanka isha ku hayay kaddib markii uu diiday inuu wax dabaal deg ah la sameeyo ciyaartoyda kooxda markii uu dhaliyay rigoorihii guusha.
Haddaba, Tababare Solari ayaa dhacdadaas muranka xoogan dhalisay hoos u dhigay isaga oo xiddiga ree Wales si guud ahaaneed ugu amaanay qaabka uu kulanka uga qayb qaatay.
Solari ayaa yidhi “Isagu wuu ku faraxsanaa qolka labiska dhexdiisa sababtoo ah wuu dhaliyay, Waan jeclaystay sida uu u galay garoonka isaga oo xamaasad kacsan iyo qaabka uu u ciyaaray, Kulanka ayuu nagu guuleeyay waxaana uu qabtay shaqo cajiib ah, Waxaan filayaa inuu cajiib ahaa”
Dhinaca kale, Solari ayaa u muuqday mid ka warwareegaya inuu toos u abaaro dabaaldeg la’aantii kulanka iyo cadhadii uu Bale muujiyay isaga oo taa bedelkeeda sheegay inuu qaab ciyaareedka diirada saarayo.
Tababaraha ree Argentina ayaa markale yidhi “Waxaad leedihiin indho badan (Saxaafada), Waxa aan aray waxa uu ahaa sida uu u shaqeeyay iyo sida uu uga ciyaaray garoonka, Waxa uu na siiyay guusha, Waxa uu helay goolka waxaana uu ugu dabaaldegi karaa sida uu doono”
“Waxaan doonaynaa inaan diirada saarno waxyaabaha wanaagsan, Waxyaabaha wanaagsani waa sida aanu u shaqaynay ee ciyaar adag, Waxaanu ciyaarnay kulan wanaagsan waxaananu dhalin karnay xilli ka horaysay xilligii aanu dhalinay, Guushu waxa ay noqon karaysay mid sidan ka raaxo badan”
Si kastaba ha ahaatee, Cadhada Bale ayaa lagu qiyaasi karaa inay ka dhalatay xidhiidhka hoose ee uu la leeyahay xiddigaha kooxda, Sida uusan wali luuqada Spanish-ka u baran iyo waliba inuu booskiisii kooxda waayay.