Santiago Solari Oo Wax Laga Waydiiyay Cadhadii Gareth Bale Ee Ciyaartoyda Kooxdiisa Iyo Bale Oo Iska Diiday In Uu Wax Raali Galin Ah Bixiyo.


Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa kulanka lugta labaad ee afar dhamaadka Copa Del Rey waxayna habeen danbe soo dhawayn doonaan kooxda ay sida wayn xifiltamaan ee Barcelona oo ay hore barbaro 1-1 ah ugula soo galeen kulankii lugtii hore ee Camp Nou.
Santiago Solari ayaa ka soo hor muuqday saxaafada waxaana la waydiiyay su’aalo badan oo la xidhiidha cadhadii iyo gadoodkii uu Gareth Bale ka sameeyay kulankii Levante markaas oo uu iska tuuray gacanta Lucas Vazguez oo doonayay in uu xidiga reer Wales kula dabaal deego goolkii rekoodhaha ahaa ee uu dhaliyay balse Bale ayaa sidoo kale waxa uu garoonka si deg deg ah uga baxay isaga oo cadho ka muuqatay.
Santiago Solari ayaa dhamaan su’aalihii laga waydiiyay xaalada Gareth Bale waxa uu iska diiday in uu ka jawaabo laakiin sidoo kale waxaa soo baxay in Gareth Bale aanu wax raali galin ah siin ciyaartoyda kooxdiisa isla markaana uu iska diiday in uu qirto in uu wax dalbi ah sameeyay si uu raali galin u bixiyo.
Solari ayaa sidoo kale la waydiiyay haddii uu Gareth Bale shaxdiisa ku soo bilaabi doono kulanka Barcelona ee Copa Del Rey laakiin waxa uu kaga baxay in uu ka hadlo kulanka iyo muhiimadiisa iyo in ciyaartoyda oo dhami ay diirada saarayaan kulankan.
Sida lagu shaaciyay barnaamijka ‘El Partidazo’ ee idaacada  Cadena COPE, Gareth Bale ayaa iska diiday in uu wax raali galin ah ka bixiyo hab dhaqankii cadhada lahaa ee uu ku kacay kulankii Levante waxayna wararku sheegayaan in Bale uu ka cadhaysan yahay waraysiyadii ay Marcelo iyo Courtois ku soo bandhigeen xaqiiqda ah in Bale aanu si fiican ula haysan nolosha Madrid iyo luuqada Isbanishka taas oo eedayn loogu soo jeediyay.
Warbaahinta Spain ayaa sii buun buunisay hadalkii Courtois uu ku sheegay in naanaysta Bale loo yaqaan “Golfer” maadaama oo uu xataa xarunta tababarka kooxdiisa uu mobilkiisa gacanta kaga daawado ciyaarta Golf-ka taas oo xataa la sheegay in markii laga joojiyay uu Bale ka cadhooday.
Santiago Solari oo iska diiday in uu wax faah faahin ka baxiyo xaalada Gareth Bale iyo cadhadii uu muujiyay ayaa ka hadlay in diiradoodu saaran tahay kulanka Barcelona wuxuuna yidhi: “Diiradayadu waxay saaran tahay kulanka barri, waa kulan qurux badan kaas oo ay waajib nagu ahayd in aanu wareegyo badan uga soo gudubnay si aanu u soo gaadhno”. Hadalkan ayuu Solari sheegay markii Bale wax laga waydiiyay iyo khilaafka kooxdiisa kala dhexeeya.
Laakiin Solari oo su’aalaha laga waydiiyay cadhadii Bale ku sii qarinaya kulanka Barcelona ayaa yidhi: “Kulankii hore waxa uu jamaahiirta u ahaa mid aad u fiican, barri waxay diiradayadu saaran tahay in aanu kulan kale oo fiican ciyaarno, diirada Bale iyo ciyaartoyda kale oo dhami meel kale ma saarna”.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah warbaahinta Spain ayaa sheegaya in Solari uu kulanka Copa Del Rey ee habeen danbe uu shaxdiisa ku soo bilaabi doono Gareth Bale halka kuwo kale ay su’aal galinayaan diyaar ahaansha maskaxeed ee xidiga reer Wales.