SAWIRO: “King in the North” – Aktarka Game of Thrones Oo Booqday Old Trafford Sawirana La Galay Xiddigaha Man United

Labo ‘boqor’ ayaa si fool ka fool ah isaga horyimid ka dib markii ay Manchester United barbaraha la gashay Liverpool Axadii.
Aktarka Game of Thrones, Kit Harington ayaa joogay garoonka Old Trafford isagoo daawaday barbaraha ay kooxdiisa United la gashay kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool.
Ninka ku jila musalsalka caanka ee Game of Thrones magaca Jon Snow ayaa hadiyad qaali ah ka helay macalinka kooxda Manchester United.
Ole Gunnar Solskjaer ayaa gudoonsiiyay Harington maaliyada kooxda oo lagu qoray “King in the North” iyadoo labada nin ay sawiro wada galeen.
Bogaga bulshada ee Red Devils ayaana la soo dhigay sawirkaas iyagoo ciwaan uga dhigay: “Labada boqor ee reer Waqooyi. Wax weyn ayay inoo tahay inaan aktarka Game of Thrones iyo taageerahaa MUFC Kit Harington ku soo dhaweyno Old Trafford Axadii.
Solskjaer kaliya mahan cida kaliya ee la kulantay aktarka caanka ah.Daafaca Chris Smalling ayaa isna waqti la qaatay Harington, waxaana uu sawirka uu la galay uu soo dhigay Instagram.

29 jirkaan ayaa soo qoray: Dabcan Boqorka reer Waqooyi waa casaan. La kulankaaga wax weyn ayay ii tahay Kit, ma sugi karo in musalsalka uu dib u bilowdo.”
Harington waxa uu sidoo kale sawir la galay xiddigaha United ee kala ah Paul Pogba, Victor Lindelof, Andreas Pereira iyo xitaa Rachel Riley.
Fasalkii sideedaad ee musalsalka Game of Thrones ahna kii ugu danbeeyay ayaa la baahin doonaa bisha April.