Sir La Helay: Laba Arimood Oo Cristaino Ronaldo Ku Qasbay In Uu Ka Tago Real Madrid Oo La Ogaaday, Neymar Ayaa Ku Jira


Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa si lama filaan ah xagaagii uga tagay kooxda Real Madrid isaga oo ku biiray Kooxda Juventus.
Wararka ayaa sheegaya in ay laba arimood sabab u ahayd in uu Cristiano Ronaldo isaga tago Real Madrid soona afjaro 9 sano oo uu joogay Santiago Bernabue.
Labada arimood ayaa ah in uu Cristiano Ronaldo isaga tagay Real Madrid markii ay maamulka Real Madrid diideen in ay kor ugu qaadaan mushaharka iyo kadib markii uu maqlay wararka Neymar la xiriirinayaa Kooxda Real Madrid.
Madaxweynihii hore ee kooxda Real Madrid ee Ramon Calderon ayaa sheegay in uu xiddiga 5 jeer ku guulaystay 5 Ballon d’Or winner ka xanaaqsanaa wararkii Real Madrid la xiriirinayay Neymar maadama uu ka cabsi qabay in uu kaga mushahar badnaado Real MadridCalderon ayaa sheegay in uu 34 jirka reer Portugal isaga tagay Real Madrid kadib markii uu Madaxweynaha Real Madrid ka diiday in uu kor ugu qaado mushaharka jeebkana ugu shubo todobaadkii lacag dhan 500 kun oo Gini.
“Cristiano waxa uu Madaxweynaha Real Madrid waydiistay in uu kor ugu qaado mushaharka kadib markii uu kula guulaystay champions League laakiin Florentino ayaa ka diiday”ayuu Calderon u sheegay Radio Villa Trinidad.
“Cristiano Ayaa sidoo kale ka xanaaqay markii uu maqlay in ay Real Madrid diyaar u tahay in ay lacag badan ka baxinayso Neymar”.
“Florentino ayaa u sheegay Ronaldo in uu iska fasaxayo hadii ay koox ka soo gudbiso dalab 100 milyan ah waana wixii dhacay”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.