Tababarihii Hore Ee Real Madrid & Xulka Spain Ee Vicente del Bosque Oo Kala Doortay Cristaino Ronaldo Iyo Lionel Messi.

Tobankii sanadood ee ugu danbeeyay waxaa kubbada cagta ugu badnayd su’aasha layska waydiinayay midka fiican Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo waana dood aan dhamaad lahayn isla markaana ay kubbada cagta aduunku ku kala qaybsan tahay.
Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid iiyo xulka qaranka Spain ee Vicente del Bosque ayaa waraysi uu ku bixiyay Mundo Deportivo waxaa lagu waydiiyay dooda Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo laakiin Vicente del Bosque ayaa si aan gabasho lahayn u kala doortay Messi iyo Ronaldo.
Vicente del Bosque oo ka jawaabaya su’aasha laga waydiiyay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in Messi uu markasta dhiniciisa ahaanayo wuxuuna sababta ku qeexay in xidiga reer Argentina uu yahay ciyaartoy kubbada cagta ah oo dabiici ah halka uu Ronaldo ku amaanay dagaalka iyo shaqada fiican ee uu sameeyo.
Vicente del Bosque oo ka jawaabaya sababta uu Messi ku doortay ayaa yidhi: “Ugu dhawaan isagu waxa uu markaasta u ciyaaraa si fiican. Waxaa jira ciyaartoy aan walligood qalad samayn, isagu waxa uu leeyahay qancin joogtayn ah, waa ciyaartoy fiican”.
” Anigu waxaan la joogayaa Messi, waxaan isaga u arkaa ciyaartoy kubbada cagta ah oo in badan dabiici ah ee min bilawgii darisnimada ee uu saaxiibadiisa dariiqyada kula ciyaarayay” ayuu Del Bosque hadalkiisa sii raaciyay.
Vicente del Bosque oo ka hadlaya Roanldo ayaa yidhi: ” Cristiano waxa uu leeyahay geesinimo, jidh iyo xaalada xirfadeed oo aan caadi ahayn ee ka gool dhaliye ahaan, anigu waxaan la jiraa Messi”.
Intaa kadib macalinkii hore ee Real Madrid ee Vicente del Bosque ayaa ka hadlay sida ay Los Blancos xili ciyaareedkan ugu dhibtoonaysay bixitaankii Roanldo wuxuuna yidhi: “Isagu waa ciyaartoy damaanad qaadaya goolal badan, hadda Madrid way ku adkaatay in ay goolal badan dhaliyaan”.
“Waxaa jira ciyaartoy kale oo aad u fiican sida Bale kaas oo xaalada fiican wiil khaas ah ku ah ama Benzema kaas oo si xun looga hadlay laakiin tayo fantastik ah leh”. ayuu Del Bosque hadalkiisa ku sii daray.