VAR vs Alvaro Morata – Kaddib Imaatinkiisa Atletico Madrid, Morata Oo Wali Nasiib Xumadii Daba Socoto & Xidhiidhka Yaabka Leh Ee Uu VAR La Leeyahay
Weeraryahanka ree Spain ee Alvaro Morata ayaa 18 bilood oo niyad jab leh kusoo qaatay kooxda Chelsea oo lacago badan ku bixisay waxaana uu intaa kaddib qaab amaah ah kusoo aaday dhinaca kooxda dalkiisa walow uusan wali farxad shaqsi ahaaneed dareemin.
Muuqaalka garsoore caawiyaha dhawaan galka ku ah kubadda cagta ee VAR ayaa u muuqda mid dhibaatadii wali daba wada Morata walow uu soo jewi badashay oo uu Rojiblancos kusoo biiray.
Morata ayaan wali wax gool ah loo diiwaan gelin mudada uu maaliyada cadaanka iyo casaanka ah xidhan yahay walow uu laba jeer shabaqa soo taabtay.
Alvaro ayaa labada jeerba shabaqa ka gaadhay kooxihiisii hore ee Real Madrid iyo Juventus oo uu wakhtiyo wanaagsan kusoo qaatay balse waxa diiday inuu gool ku diiwaan gashado kooxihii soo caawiyay garsoore caawiye VAR.
Aan ku horraynee Morata ayaa kulankii Madrid Derby gool farsamaysay ka dhashaday Madrid balse goolkaas ayaa kaddib markii uu garsooruhu go’aansaday inuu soo hubiyo uu u aqoonsaday inuu garab dhaaf ahaa.
Intaa kaddib Morata ayaa kulankii xalay ee UEFA Champions League ugaadhsaday Juventus oo uu gool madax ah ka dhaliyay balse garsooraha ayaa markale shaaciyay in uu marka hore soo kala tuuray Giorgio Chiellini.
Si kastaba ha ahaatee, Morata ayaa ku qasban inuu sugo goolkiisa ugu horreeya ee uu u dhalinayo kooxda tababare Diego Simeone.
