Waa Maxay Sabab Uu Ganaaxa Chelsea Laga Saaray Suuqa Ugu Xun Tahay Maurizio Sarri Uguna Fiican Tahay Chelsea?
Kooxda chelsea ayaa la kulantay dhirbaaxo kadib markii 2 suuq laga ganaaxay kadib markii lagu helay dambi ay jabiyeen xeerka da,yarka ee Xiriirka FIFA.
Chelsea ayaan wax saxiix ah samayn doonin ilaa xagaaga 2020 iyaga oo aan wax saxiix ah samayn doonin suuqa Xagaaga iyo suuqa January ee sanadka dambe.
Laakiin wargayska Metro ayaa shaaca ka qaaday qaabka uu ganaaxa dusha laga saaray chelsea uu faa,iido u yahay kooxda laakiin uu u xun yahay tababre Maurizio Sarri.
Sidaas darteed Sarri ayaa ku qasbanaan lahaa in uu suuqa u galo sidii uu u xoojin lahaa kooxdiisa marka la gaadho xagaagaSababta uu ugu xun yahay tababare Sarri ayaa ah inkasta oo uu tababaruhu caan ku ahaa in soo saaro xiddigaha da,yarka ah hadana tababaraha ayaa ku dhibaatooday in uu chelsea fursad ku siiyo da,yarka jooga.
Dhanka kale sababta uu ganaaxu ugu fiican yahay ayaa ah in ay chelsea sii haysan doonto xiddigaha kooxda jooga ee baxsadka ka sida Eden Hazard oo lala xiriirinayo kooxda Real Madrid iyo waliba in ay fursad siiso xiddigaha da,yarka ah ee sida Tammy Abraham (22), Callum Hudson-Odoi (21), Loftus-Cheek (23), Christensen (22), Hudson-Odoi (18) & Ampadu (18)
