Waanu Ogeyn In Marka Aanu Gool Ka Dhalino Inay Soo Yaacayaan Oo Aanu Ka Faa’iidaysan Doono – Luis Suarez Oo Shaaciyey Qorshihii Ay Ku Karbaasheen Real Madrid

Weeraryahanka Barcelona ee Luis Suarez ayaa ahaa xiddigii niyadda ka jabiyey Real Madrid, kana reebay tartanka Copa del Rey oo ahaa bartilmaameedka guud ee kooxda ka dhisan caasimadda dalka Spain.
Suarez ayaa shan daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay qaybta labaad dhaliyey goolka koowaad, kaddibna waxa uu ku qasbay Varane inuu iska dhaliyo gool ka hor intii aanu rikoodhe ku dhamaynin gool-dhalinta.
Weeraryahanka reer Uruguay, ayaa markii ay dhamaatay ciyaartu waxa uu soo bandhigay qorshihii ay dajiyeen ee ay ku karbaasheen Real Madrid iyo sidii uu ugu shaqeeyey.
Suarez waxa kale oo uu shaaciyey in sanadkan ay doonayaan inay ku guuleystaan dhamaan tartamada ay ka ciyaarayaan oo ay ugu horreeyaan LaLiga iyo Copa  del Rey, kaddibna ay ku xigsiinayaan Champions League.
Isaga oo la hadlayey telefishanka TVE, ayaa waxa uu ugu horreyn shaaciyey khidaddii ay dajiyeen ee dhabarka ka jabisay Real Madrid, waxaanu yidhi: “Waanu ogeyn in haddii aanu gool ka dhalino, inay hore usoo dhaqaaqayaan oo aanu firaaqo ka helayno. Ciyaaruhu mar kasta hoos u dhac iyo sare u kac ayay leeyihiin; umaanaan ciyaarin sidii aanu doonaynay, laakiin waa sida ay ciyaaruhu yihiin.”
Suarez waxa kale oo uu ka hadlay ciyaarta ay Sabtida toddobaadka soo socda ku ballansan yihiin Real Madrid ee ay ugu tagayaan Santiago Bernabeu, waxaanu yidhi: “Waanu ognahay sida ay ciyaaraha horyaalku u adag yihiin, waxaananu haysanaa waqti yar oo aanu kusoo kabano, iskuguna diyaarino Sabtida.”