WARBIXIN: Xaaladii Ugu Danbaysay Ee Khilaafka Maurizio Sarri & Kepa Arrizabalaga, Qolka Labiska Chelsea Oo Kala Qaybsamay Iyo Haddii Ay Maamulku Anshax Marin Doonaan Kepa.

Kadib jaho wareerkii uu abuuray goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizabalaga intii lagu jiray dhamaadkii kulankii finalkii EFL Cupka ee Chelsea iyo Manchester City, waxay jamaahiirta kubbada cagta aduunku wali sugayaan in ay arkaan talaabada uu Maurizio Sarri qaadi doono iyo haddii ay maamulka Chelsea anashax marin ku samayn doonaan Kepa.
Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee xaaladii waalida ahayd ee Kepa Arrizabalaga, dhacdooyinkii ka danbeeyay ee uu Sarri qaaday iyo waliba sida uu qolka labiska Chelsea u qaybsamay, miyayse maamulka Chelsea anshax marin doonaan Kepa?.
Ilwareedyo kala duwan oo xog ka soo tabiyay Chelsea ayaa muujinaya in xaaladu ay wali tahay mid culus isla markaana ay ciyaartoyda kooxda Chelsea ku qaybsameen dhacdadii xumayd ee Maurizio Sarri iyo goolhaye Kepa Arrizabalaga dhex martay.
Aan ku bilawnee wargayska Evening Standard ayaa shaaciyay in maamulka Chelsea ayna wax anshax marin ah ku samayn doonin goolhaye Kepa Arrizabalaga taas oo muujinaysa sida Sarri aanu u haysan taageerada buuxda ee maamulka Stamford Bridge.
Ciyaartoyda Chelsea Oo Fikrad Ahaan Ku Qaybsamay Dhacadii Sarri iyo Kepa:
Sida uu qoray wargayska Telegraph, ciyaartoyda kooxda Chelsea ayaa fikrad ahaan ku qaybsamay dhacadii Sarri iyo Kepa ee Wembley Stadium, laakiin Maurizio Sarri ayaa isniintii shalay iskugu yeedhay ciyaartoyda kooxdiisa si uu khudbad midayn ah ugu jeediyo isla markaana uu xaalada ku dajin lahaa.
Maurizio Sarri oo fahansan muhiimada midaynta ciyaartoyda kooxdiisa ee ka hor kulanka Tottenham, ayay haddana wali jirtay kala qabsanaanta ciyaartoyda Chelsea ee qolka labiska iyada oo goolhaye Willy Caballero uu ka niyadjabsanaa in gadoodkii Kepa uu ka horjoogsaday in uu wajaho kooxdiisii hore ee Man City.
Waxa kale oo uu wargayska Telegraph sheegay in Eden Hazard uu isna niyadjabsanaa maadaama oo uu aanu jeclaysan qaabkii ay ku soo dhamaatay ciyaartii finalkii EFL Cupka iyo waliba khilaafka kooxdiisa saamaynta kaga yeeshay dareenkii ay rekoodhayaasha ku tuuranayeen waxaana la sheegay in Hazard uu aaminsan yahay in kulankaasi uu noqon karo kii ugu danbeeyay ee uu Chelsea ugu ciyaaray Wembley Stadium.
Ilwareed uu helay wargayska Telegraph oo soo bandhigaya sida ay ciyaartoyda Chelsea ugu qaybsameen dhacdadii Sarri iyo Kepa ayaa yidhi: “Qaar ka mid ah ciyaartoydu waxay ka fikireen in Kepa uu qaldanaa, qaar ciyaartoyda ka mid ahi waxay ka fikireen in Sarri uu ka badbadiyay isla markaana kuwo kale ayaa xalaada oo dhan ka cadhaysnaa”.
Laakiin ilwareedka Telegraph ayaa soo bandhigay su’aasha ugu muhiimsan ee hadda taagan: “Hadda waxay su’aashu tahay haddii cadhadani ay sii waari doonto ama haddii qof kastaaba uu isdajin karo waqti ka hor kulanka Tottenham”.
Wuxuuna ilwareedkani ku sii daray: “Kooxdu waxay u baahan tahay in ay midawdo sababtoo ah waxaa jiray ciyaartoy badan oo naftoodu ka gadooday markii ay waxyaabuhu qaldameen xili ciyaareedkan”.
Laakiin wararka ayaa sheegaya in ciyaartoyda reer Spain ee Kepa, Azpilicueta, Pedro iyo Marcos Alonso ay aad isugu duuban yihiin isla markaana waxaa la sheegay in ay yihiin ciyaartoyda aaminsan in Sarri uu xaalada ka badbadiyay halka David Luiz, Gonzalo Higuain iyo Jorginho ay yihiin xidigaha sida tooska ah u taageersan Sarri.
Waxaa si cad u muuqata in Maurizio Sarri ay xaaladii natiijo xumada ugu biirtay kala qaybsanaanta qolka labiska kooxdiisa Chelsea, waxaana la sugayaa haddii uu kulanka soo socda talaabo ka qaadi doono Kepa iyo haddii uu cafin samayn doono si uu xaalada u dajiyo balse in maamulka Chelsea ayna anshax marin doonin Kepa ayaa si wayn loo dhaliilsan yahay.
Sarri Iyo Kepa Oo Markale Ka Hadlay Xaaladii Dhex Martay:
Chelsea ayaa shabakada rasmiga ah ee kooxdeeda ku daabacday in hadalo ay Sarri iyo Kepa markale ku sheegeen in wixii dhacay uu ahaa isfahan la’aan isla markaana ay si fiican uga sheekaysteen.
Sida ay Chelsea sheegtay xalay waxay Sarri iyo Kepa yeesheen wada xaajood ay arintii khilaafka kaga wada hadleen wuxuuna Sarri yidhi: “Aniga iyo Kepa dhacadii ayaanu ka wada hadalnay. Wada sheekaysi fiican ayuu ahaa. Waxaa jiray isfahan la’aan, laakiin waxa uu isagu xaqiijistay in uu qalad wayn ku sameeyay qaabkii uu u dhaqmay”.
Kepa oo isna wada hadalkii dhex maray Sarri ka hadlaya ayaa yidhi: “Aad ayaan ugu faraxsanaa in aan Chelsea u ciyaaray finalka koobkaygii ugu horeeyay, aad ayaan ugu hanwaynaa bandhigii kooxda. Inkasta oo ay jirtay isfahan la’aan , anigu waxaan sameeyay qalad wayn ee sidii aan xaalada ula tacaalay”.
Chelsea oo 120 daqiiqo ciyaartay kulankii finalkii EFL Cupka ayaa barri soo dhawayn doonta kooxda Tottenham waana kulan kale oo saamayn wayn ku yeelan kara rajada ay Blues ka qabto in ay afarta sare ku dhamaysato, laakiin waa kulan si gaar ah loo sugayo qaabka ay Sarri ku wajihi doono Kepa iyo ciyaartoyda kale ee la soo saftay.