Wargayska MARCA ayaa kashifay Sabab La yaab leh oo ay kooxda Real Madrid isaga diiday in ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Mauro Icard.
Xiddiga reer Argentine ayaa muddo lala xiriirinayay kooxda Real Madrid laakiin Los Blancos ayaa isaga hadhay baacsiga xiddiga.
MARCA ayaa sheegtay in ay Sababta Ay Real Madrid ugu dhaqaaqi wayday saxiixa Xiddiga ay tahay xaaskiisa ahna wakiilkiisa Wanda Nara.
Icardi ayaa si lama filaan ah looga qaaday calaamada kabtanimada kooxda Inter Milan iyada oo loo dhiibay goolhayaha Kooxda ee Samir Handanovic.
Wargayska ayaa sheegaya in weerarada ay xaaska Icardi ku qaado saaxiibadiisa ay ka dambayso sababta ay Real Madrid isaga hadhay xiisaha xiddiga.
Waxa xusid mudan in Icardi kooxda Inter Milan ku soo biiray xagaagii 2013 isaga oo tan ilaa haatan u dhaliyay 69 goool xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.
