Waxaan U Malaynayay Inaan Ahay Boqorka Toddobaadka Ilaa Aan Arkay Lionel Messi – Xiddig Toddobaadkan Saddexley Dhaliyay Oo Ka Sheekeeyay Sida Ay Saddexleydii Messi U Saamaysay.

Xiddiga kooxda Watford ahna mid mar kasoo tirsanaa kooxda Barcelona ee Gerard Deulofeu ayaa amaan kala dul dhacay kabtanka kooxdiisii hore ee Lionel Messi sidoo kalena daaha ka qaaday xaqiiqada sababtii uu uga baxay Barca.
Dhinaca kale, Deulofeu ayaa oo toddobaadkan saddexley goolal Premier League ah ka dhaliyay kooxda Cardiff City ayaa sheegay inuu filayay inuu ahaa boqorka toddobaadka ilaa uu arkay Messi oo markiisa saddexley kasoo dhalinaya kooxda Sevilla.
Deolofeu ayaa soo dhaliyay saddex gool oo caawimo ah balse waxa saacado kaddib markii afar gool ku lug yeeshay Messi oo saddex gool iyo caawimo kaga soo qayb qaatay guushii soo laabashada ahayd ee ay kasoo gaadheen Sevilla.
Gerard Deolofeu oo Messi ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan ku fikirayay inaan ahaa boqorka toddobaadka ilaa aan arkay Messi oo joogo Pizjuan (Garoonka Sevilla), Isagu waa ciyaartoy cajiib ah, Inbadan ayaa ku raaxaystaa daawashadiisa”
“Waxaan hayaa sheeko yar oo cajiib ah oo isaga ku saabsan, Waxaan xasuustaa inaan u baasay isaga kubad sida dhagaxa oo kale ah waxaanan u raali-galinayay si deg deg ah laakiin waxa uu u qabtay kubadda si aad u cajiib ah”
Dhinaca kale Gerard ayaa ka hadlay in uu dareemay inuusan muhiim ka ahayn Barcelona labadii wakhti ee kala duwanaa ee uu kusoo qaatay balse uusan wax qoomamo ah ka qabin.
“Waan ku raaxaystay wakhtigaygii Barcelona xataa haddii ay ahayd mid gaaban, Waxaan ka garab ciyaaray kuwa ugu fiican laakiin sidoo kale waxay ahayd inaan raadiyo xirfadeyda”
“Markii aan Barcelona joogay waxaan joogay gurigayga, Waxaan joogay kooxda ugu fiican dunida laakiin maan dareemin muhiimad”
“Waxaan ahay ciyaartoy khaas ah, Ma lihi samir waxaanan doonayaa inaan ciyaaro midaas oo dhan waxa ka muhiimsan waxa uu ahaa sanad koob aduun waxaanan u baahday inaan tago si aan u helo daqiiqado ka badan”