Wuxuu U Ciyaarayaa Sidii Lionel Messi – Jamaahiirta Man United Oo La Yaabay Laacib Ka Tirsan Kooxooda Oo Wacdaro Ka Dhigay Ciyaartii Xalay

Manchester United ayaa xalay soo hoysay guul weyn kaddib markii ay 3-1 kaga adkaatay Crystal Palace oo ay marti u ahayd, waxaana laba ka mid ah goolasha u dhaliyey Romelu Lukaku oo ahaa halyeygii ciyaartan.
Inkasta oo uu Lukaku guusha ku hoggaamiyey Manchester United, haddana waxa jiray ciyaartoy kale oo wacdaro dhigay oo si buuxda u kasbaday kalsoonida iyo niyadda taageereyaasha.
banner
Goolka koowaad waxa si farshaxannimo leh uga soo shaqeeyey difaaca baasha bidix ee Luke Shaw oo dedaal shaqsi ah kubadda ku keenay duleedka goolka Crystal Palace, waxaana kubaddii uu soo dhiibay ka faa’iideeyey Lukaku oo gool u beddelay.
Luke Shaw goolkan oo kaliya kama shaqayn, laakiin bandhiggiisa guud ayaa ahaa mid cajiib ah oo uu ku mutaystay in taageereyaashu ay ku masalaan Lionel Messi, iyaga oo ka fiirinaya xarfaddii iyo qaabkii uu uga shaqeeyey goolka furitaanka.
23 jirkan u ciyaara xulka qaranka England oo uu tababare Jose Mourinho ka lumiyey kalsoonida ayaa hadda ah laacibka baasha bidix ee aanay cidina ku murmi karaynin.
Haddaba taageereyaasha Manchester United ayaa barta Twitterka si weyn ugu qaadaa-dhigay bandhiggii uu muujiyey Luke Shaw,.
“Waa ciyaartoyga horumarkii ugu badnaa sameeyey Luka Shaw” Sidaa waxa barta Twitterka kusoo qoray Satrina Caritasillah.
“Shaw wuxuu waqtigan isku beddelay Messi” Sidaana waxa soo qoray Akwa Ibom.