Xaaska Ahna Wakiilka Mauro Icardi Ee Wanda Nara Oo War Cusub Kasoo Saartay Mustaqbalka Xiddiga & Kooxahii Doonayay Oo Xog Ka Helay.

Wakiilka ahna xaaska kabtankii hore ee kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi oo lagu magacaabo Wanda Nara ayaa war cusub kasoo saartay mustaqbalka weeeraryahanka ree Argentina oo ay kooxo badani si dhaw ula socdaan xaaladiisa haatan.
Icardi ayaa horraantii bishan Febraury laga xayuubiyay xilkii kabtanimo ee kooxda waxaana tan iyo maalintaas lala xidhiidhinayaa kooxaha kala ah Juventus, Napoli, Real Madrid, Barcelona iyo Manchester United.
Dhinaca kale qoddobka xasaasiga ah isla markaana muranka ka aloosan Inter iyo xiddigeeda sii hurin kara ayaa ah in Icardi uusan ciyaarin kooxdana matalin tan iyo maalintii calaamada kabtanimo lagu wareejiyay Samir Handanovic.
Haddaba, Wakiil Nara ayaa sheegtay in ay ku faraxsan yihiin Nerazzuri isla markaana ay diirada saarayaan sidii lagu xalin lahaa waxa dhex yaala Icardi iyo kooxdiisa.
Wanda Nara ayaa hadalkeeda ku furatay “Xaqiiqada ayaa ah in Mauro uu haysto laba sano oo uga dhiman heshiiskiisa Inter anaguna aad baanu ugu faraxsanahay halkan”
“Waxaanu eegaynaa sida aanu hore ugu socon karno arrimahana hubaashii waxa loo xalin doonaa sida ugu fiican ee Inter iyo Mauro isbedelo ayaa ka jira kooxda iyo agaasime cusub (Giuseppe Marotta)”
“Milan waa sida dalkayga labaad dhammaan carruurtayduna waa Talyaani, Midka kaliya ee ku dhashay Argentina waa Valentino waxaanan halkan intaa kaddib u nimid si dhakhso ah”
Hadalka kasoo yeedhay Wanda Nara ayaa ah mid hakin kara xiisaha uga imanaya Icardi kooxaha waaweyn waxaana la filayaa in haddiiba ay xal gaadhi waayaan kahor dhammaadka xilli ciyaareedka si toos ah looga soo gudbin doono dalabaad.