Xiddig Bayern Munich Ah Oo Tilmaamay Xiddiga Ugu Halista Badan Liverpool, Mana Ahan Salah, Mane & Firmino


Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Serge Gnabry ayaa magacaabay xiddiga ay xiddigaha Bayern Munich sida weyn uga wal-walsan yihiin ka hor kulankooda Anfield.
Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ayaa ka war qaba tayada xiddigaha Liveroool ka hor kulanka ay Liverpool habeen dambe marti galin doonto Bayern Munich.
23 jirkan oo ah xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badan kooxda Bayern Munich ayaa tilmaamay xiddiga ay xiddigaha Bayern Munich sida weyn uga wal-walayaan.
Xiddigaha Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino ayaa ah xiddigaha ugu goolasha badan kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan.
Laakiin Serge Gnabry ayaa sheegay in xiddiga ay Bayern Munich sida weyn uga wal-walsan yihiin yahay xiddiga khadka dhexe ee Gini Wijnaldum.
“Waxa aan horay u soo aragnay in aaan ka soo basan karin khaladaadka aan samaynay”Gnabry ayaa u sheegay Goal “Wakhtigii ugu dambeeyay waxa aan samaynay khaladaad aad u badan oo nalooga dhaliyay goolal badan, waan in aan saxno”.
“Liverpool waa koox si weyn uga faa,iidasata khaladaadka waxana ay haystaan xiddigo aad u dheereeya oo waliba fiican”.
“Georginio Wijnaldum waa xiddiga marka aad daawato ciyaaraha Liverpool ugu fiican, meel walba wuu joogaa”.
“Waxa uu u shaqeeyaa si adag waxa uu saamayn weyn ku leeyahay qaab ciyaareedka kooxda Liverpool”.