Xiddigaha Arsenal Oo Neymar Dusha Ka Saaraya Eeda Dhaqanka Uu Unai Emery Ku Hayo Mesut Ozil, Qaab Noocee Ah


Xiddigaha Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay uu Xiddiga Kooxda PSG ee Neymar sabab u yahay qaabka uu tababare Unai Emery ula dhaqmayo xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Mesut Ozil.
Xiddigaha Arsenal ayaa rumaysan in dhibaatada Unai Emery ee Mesut Ozil ay tahay dhibaato shaqsi laakiin ayna ahayn dhibaato ciyaareed.
Gunners ayaa doonaysay in ay iska fasaxdo xiddiga khadka dhexe ee Ozil laakiin xiddiga ayaa diiday kuna adkaystay in uu sii joogo Arsenal.
Mushaharka Ozil ee 350 kun ee Gini ayaa sabab weyn u ah in ay kooxaha kale iska diidaan maadama uu mushaharkaas aad u badan yahay.
Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in xiddigaha qolka Labiska Kooxda Arsenal fikir ka haystaan sababta Uu Emery sida haatan ugula dhaqmayo Ozil.
Emery ayaa dhibaato la mid ah tan ku haystay Kooxda PSG iyada oo uu Neymar sabab u ahaa waliba ku dhibaatooday in uu maamulo xiddiga.
Waxa la sheegayaa in uu tababaruhu iska difaacayo xaalad la mid ah midaaas oo kale ugana timaada Ozil sidaas darteed uu sida gaarka ah ee xun ugula dhaqmayo xiddiga