Xiddigaha Man United Oo Soo Xaadiray Tababarka Xilli Ole Gunnar Solskjaer War Fiican Ka Helay Laba Xiddig Oo Dhaawac Ku Seegay Kulankii Chelsea
Man United ayaa dib u cusboonaysiinaysa dagaalkooda kaalinta 4-aad marka ay dib ugu soo laabtaan premier League iyaga oo la ciyaari doona kooxda Liverpool.
Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka soo kabsatay guuldaradii champions league ee PSG iyaga oo si xarago leh u garaacay kooxda chelsea FA Cup-ka kulan dhacay Isniintii.
Wargayska Mirror Sport ayaa bilowgii todobaadkan sheegay in dhaawacyada Anthony Martial & Jesse Lingard ayna ahayn sidii laga cabsida qabay iyada oo midkood ama labadooduba taam u noqon kara kulanka Liverpool.
Labada xiddig ayay dhaawac muruqa ah soo gaadheen kulankii PSG kulan ahaa guuldaradii ugu horaysay ee soo gaadhay tababare Solskjaer.
Taam ahaanshaha labada xiddig ayaa war fiican u noqon doona labada xiddig xilli ay la ciyaari doonaan kulan ay ka go,antahay in ay guul gaadhaan si ay sii wadaan dagaalka ay ugu jiraan kaalinta 4-aad
