Xidig Real Madrid Ka Tirsan Oo Ka Shalaynaya Go’aankii Uu Barcelona Ugu Biiri Waayay, Los Blancos Oo Barca Ka Dul Qaadaysa Saxiixa Matthijs De Ligt.


Xidiga ka tirsan kooxda Real Madrid ayaa ka shalaynaya go’aankii uu ugu biiray Santiago Bernabeu ee uu ku seegay fursada uu ugu biiri kari lahaa kooxda ay Madrid xifiltamaan ee Barcelona. Dhinaca kale waxaa soo baxay war sheegaya in Real Madrid ay sare u qaaday hamigii ay ku doonaysay in ay Barca ka dul qaado saxiixa difaaca kooxda Ajax ee Matthijs De Ligt.
Kooxaha Yurub ugu waa wayn ayaa saf dheer ugu jira sidii ay kooxda Ajax ugala waregi lahaayeen difaaca sida wayn loo qiimeeyo ee Matthijs De Ligt kaas oo loo arko mustaqbalka kubbada cagta mid saamayn wayn ku yeelan kara laakiin kooxaha doonaya ayaa hadda noqday kuwo aad u tiro badan.
Barcelona ayaa bishii January kooxda Ajax ka iibsatay Frenkie De Jong oo isna saf dheer loogu jiray waxayna Barca xidigan ka soo bixisay 86 milyan Yuro isaga oo July 1 soo gaadhi doona Camp Nou, laakiin isla bishii January, Barcelona ayaa kooxda Ajax u gudbisay dalab ay ku doonaysay saxiixa Matthijs De Ligt kaas oo ayna qiimo ahaan ku heshiin.
War hadda soo baxay ayaa sheegaya in Real Madrid ay doonayso sidii ay Matthijs De Ligt ugu dalban lahayd 80 milyan yuro waana lacag 15 milyan yuro ka badan intii ay Barcelona ku dalabtay De Ligt suuqii January markii ay Frenkie De Jong la soo saxiixanaysay.
Kooxaha PSG, Juventus, Liverpool, Manchester City, Bayern Munich iyo Arsenal ayaa ah kooxaha kale Real Madrid iyo Barcelona kula tartamaya saxiixa Matthijs De Ligt laakiin loolankan adag ayaa kooxda Ajax u keenaya faa’iidada ugu wayn maadaama oo haysato fursad ay kooxahan dalabkooda u diidi karto si ay qiimaha sare ugu qaadaan.
Laakiin Florentino Perez oo doonaya in xagaaga soo socda ee dhamaadka xili ciyaareedkan uu isbadal ku sameeyo kooxdiisa ayaa doonaya in Barca ayna kaga hor marin saxiixa Matthijs De Ligt.
Dhinaca kale xidiga ay Real Madrid bishii January kala soo wareegtay Manchester City ee Brahim Diaz ayaa haddaba ka qoomamaynaya go’aankii uu Bernabeu ugu soo biiray ee uu Barcelona kaga soo leexday inkasta oo uu hore muhiimada kowaad uga dhigtay in uu Real Madrid ku biiro.
Warar ka soo baxay dalka Spain ayaa sheegaya in Brahim Diaz uu haystay fursada uu si xor ah ugu biiri karayay Barcelona marka uu heshiiskiisii Man City dhamaado laakiin maamulka kooxda City ayaan doonayn in Brahim Diaz ay si xor ah ku lumiyaan waxayna doonayeen in ay lacag ku iibiyaan.
Markii ay maamulka Man City go’aanka ku gaadheen in Brahim Diaz uu iib diyaar u yahay, Barcelona ayaan wax dalab ah soo gudbin waxayna doonayeen in Diaz uu Man City iska sii joogo isla markaana uu dhamaadka xili ciyaareedkan si xor ah ugu soo biiro laakiin Real Madrid ayaa dalab 15 milyan gini ka badan u dirtay Man City kaas oo ay hore ka aqbaleen.
Laakiin Brahim Diaz ayay wararka Spain laga helayaa sheegayaan in uu hadda ka shalaynayo go’aankii uu ku doortay Real Madrid ee uu ku sigi kari waayay in uu Barca si xor ah ugu biiro dhamaadka xili ciyaareedkan.
Brahim Diaz ayaan wali fursad badan ka helin shaxda Santiago Solari inkasta oo uu dhawr kulan ciyaaray laakiin Vinicius Jr ayaa noqday xidiga da’yarka ah ee kaliya ee Solari si buuxda kalsoonidiisa u helay halka Brahim Diaz aanu  hadda ku faraxsanayn go’aankii uu qaatay.