XOG: Kaddib Ku Guuleysigiisii Carabao Cup, Imissa Koob Ayuu Pep Guardiola Kusoo Guuleystay 11 Sano Oo Uu Tababare Soo Ahaa?

Tababaraha kooxda Manchester City ahna ninka dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Spain ee Pep Guardiola ayay xalay u ahayd habeen weyn maadaama oo uu koob kale ku daray khaanadiisa qaniga ah ee koobabka.
Manchester City ayaa kulan si weyn loogu dagaalamy Wembley Stadium isla markaana 120 daqiiqo iyo ka badan la ciyaaray ugu dambayn gool kulaadyo kaga adkaatay dhigeeda Chelsea.
Kulankaas ayaa ahaa mid go’aamiyay kooxda koobka ugu horreeya xilli ciyaareedkan ku guuleysatay isagoo dhinaca kale culayska kusii kordhiyay tababaraha Chelsea ee Maurizio Sarri kaas oo shaqadiisu halis ku jirto.
Dhinaca kale guushaas ayaa kor u qaaday hammiga xilli ciyaareedkan ee Sky Blues ee ah inay ku guuleystaan dhammaan afarta koob ee ay qaybta ka ahaayeen oo ay haatanba midkii ugu horreeyay gacanta ku dhigeen.
Haddaba, Imissa koob ayuu tababare Pep Guardiola kusoo guuleystay mudo 11 sano ah oo uu kasoo ciyaarayay heerka ugu sarreeya kubadda cagta?
Guardiola ayuu koobka League Cup ee xalay u ahaa midkiisii 25-aad ee waayihiisa tababarenimo waana tiro weyn oo macalimiin badan riyo ku ah.
Halkan Kaga Boggo Qaabka Uu Guardiola 25-ka Koob Ugula Soo Kala Guuleystay Kooxaha Kala Duwan Ee Uu Soo Maamulay.
Barcelona
Saddex La Liga, Laba Copa Del Rey, Saddex Spanish Super Cup, Laba Champions League, Laba European Super Cup, Laba Club World Cup
Bayern Munich
Saddex Bundesliga, Laba German Cup, European Super Cup, Club World Cup
Manchester City
Premier League, Laba League Cup iyo Community Sheild.