XOG: Waa Sidee Wax Qabadkii Lionel Messi Ee Kulamadii Uu Abid Ka Hor Yimid Real Madrid?


Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa dib ugu soo laabanaya mid ka mid ah garoomada uu ugu jecel yahay in uu saamaynta ugu wayn ku yeesho wuxuuna xidiga reer Argentina caawa ka soo muuqan doona Santiago Bernabeu oo hore taariikh ugu soo sameeyay.
Real Madrid iyo Barcelona ayaa caawa ku kala calaf qaadi doona kulanka lugta labaad ee afar dhamaadka Copa Del Rey iyaga oo go’aamin doona kooxda u soo bixi doonta finalka Copa Del Rey. Laakiin Messi ayaa ka mid ah ciyaartoyda sida gaarka ah isha loogu hayo ee kulankan go’aamin kara.
Haddaba waa sidee wax qabadkii Lionel Messi ee kulamadii uu Real Madrid kaga hor yimid kulanka El Clasico-da ee uu Barcelona ku soo matalay?
Lionel Messi ayaa ah xidiga haysta rekoodhka gool dhalinta kulanka kubbada cagta heerka kooxeed ugu wayn ee El Clasico-da laakiin Messi ayaa 15 gool oo ka mid ah goolasha uu rekoodhkan ku haysto waxa uu ku soo dhaliyay Santiago Bernabeu.
Lionel Messi ayaa guud ahaan Real Madrid ka hor yimid 39 kulan oo El Clasico ah wuxuuna kulamadan ka soo dhaliyay 26 gool waana xidiga taariikhda El Clasico-da ugu goolasha badan laakiin wax qabadkiisu intan oo kaliya kulama koobna.
Lionel Messi ayaa 14 gool caawin ka soo sameeyay 39 ka kulan ee uu Real Madrid kaga hor yimid El Clasico-da waxayna taasi la micno tahay in uu ku soo lug lahaa 40 gool oo ay Barcelona ka soo dhalisay Real Madrid 39 kii kulan ee uu ka soo qayb qaatay.
Haddii aan si kale u dhigno Lionel Messi ayaa celcelis ahaan kulankii El Clasico ahba ka soo qayb qaatay hal gool wax ka badan, taas oo muujinaysa doorka layaabka leh ee uu ku soo yeeshay kulamadii uu Barcelona u soo ciyaaray.
Xogta Lionel Messi Ee Kulamadii Uu Real Madrid Kaga Hor Yimid Tartamada Oo Dhan: